Home Wararka Gudaha Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho

175
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Gudaha Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho Maanta oo Isniin ah ka furay  shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah dhamaan Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed ee kajira dalka iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( FIlish), waxaana kal hore shirka qaadacay Madaxweynaha Koonfur Galbeed balse Maanta goobjoog ka ah kadib cadaadis uga yimid Wakiilada Beesha Caalamka.

Shirka ayaa waxaa  diiradda lagu saarayaa arrimo ay kamid hihiin,  amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ayaa dood adag ka yeelan doona caqabadaha heysta doorashooyinka, sidoo kalena warar soo baxayay ay sheegaya in Dowlad Goboleedyada qaar ay doonayaan in hal degaan lagu soo koobo doorashada.

Shirkaan u furmay Golaha wadatashiga Qaran ayaa kusoo aadaya xilli la soo geba-gabeeyay doorashada Aqalka Sare, sidoo kale la doortay Xubno kamid ah Golaha Shacabka, doorashadaas oo dad badan ay cabasho xoogan ka keeneen.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.