Arbaco 6-da July 2022, (Nariobi-xog-ogaal) Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay, shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.
Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka, madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan, waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.