Home Wararka Gudaha Shir Muqdisho uga furmay Guddi ka Shaqeynaya bixitaanka AMISOM

Shir Muqdisho uga furmay Guddi ka Shaqeynaya bixitaanka AMISOM

133
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Muqdisho shir uga furay Guddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Guddigaan ayaa si wadajir ah uga soo shaqeyn doona diyaarinta qorshe howleed ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay ula wareegi leheed Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan uu ka shaqeyn doono sidii sanadka 2022-ka ay AMISOM ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa seddaxda bilood ee soo socota soo diyaarin doona warbixin ku saabsan la wareegitaanka amniga qaranka ee ciidamada qaranka Soomaaliya, taas oo loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii wasiirku waxuu sheegay in guddigaan garabka ka socda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.