Home Wararka Gudaha Shir ka socda Garoonka diyaaradaha Garbahaareey, Gaadiid dagaal & Ciidamo lagu arkayo

Shir ka socda Garoonka diyaaradaha Garbahaareey, Gaadiid dagaal & Ciidamo lagu arkayo

133
0

Talaado 8-da Maarso, (Garbahaareey-xog-ogaal) Xerada Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leegihiin Garoonka diyaaradaha degmada Garbahaareey ayaa waxaa shir ku yeeshay Saraakiisha Ciidamada AMISOM,  kuwa dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada,saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa isku dayay inay geeyaan degmada Garbahaareey wafsiga Guddiga Qiimeynta xaalada degaan doorasho ee Jubbaland ee loo diiday inay garoonka ka  dagaan, balse arrintaasi ay guuldareysatay.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Garbahaareey uu ka dhaco dibadbax looga soo horjeedo Guddiga Qiimeynta kaas oo ay dhigayaan shacabka iyo Maamulka degmada, waxaana siweyn Garoonka diyaaradaha degmada Garbahaareey lagu arkayaa Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.