Home Wararka Gudaha Shil Khasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Nugaal

Shil Khasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Nugaal

178
0

(Nugaal-xog-ogaal) Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji khayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen ilaa iyo seddex ruux, waxaana isla goobta ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga shilka galay, halka dhaawacyo ay soo gaareen laabda kale.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ka baxay magaalada Garoowe ee xarunta Dowalad Goboleedka Puntland, waxaana uu kusii jeeday Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay haatan baaris ku sameynayaan waxyaabaha sababay in gaarigu rogmado, mana aysan bixin wax faah faahin ah oo ku aaddan shilkaasi khasaaraha dhaliyay.

Waddooyinka isku xira magaalooyinka Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilalka noocaas oo kale ah, waxaana horay dhimasho iyo dhaawac ay kaga soo gaareen dad rakaab ah, iyadoo loo aaneeyo qaar ka mid ah waddooyinka oo aad u burbursan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.