Home Wararka Gudaha Sheekh shariif sheekh Axmed oo baaq deg deg ah soo diray

Sheekh shariif sheekh Axmed oo baaq deg deg ah soo diray

154
0

Sabti 12-da November 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray fariin baaq ah uu udirayo beelo walaalo ah oo ku dagalamaya deegaanka cadoow uul ee hoostaga degmada cadale gobolka shabellaha dhexe isagoo ugu baaqay inay xabada joojiyaan oo wada hadal lagu dhameeyo khilaafka dhexdooda ah, dagaalka oo la sheegay in khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaarsiiyey beelaha dagaalmaaya ayaa waxa hadda ku baxay oo kala dhex galaya maleeshiyaadka hubka isku qaatay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKH SHARIIF 

Bismillahi, waxaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada hoos taga degmada Cadale gobolka Sh/dhexe ugu baaqayaa nabad, inay Xabadda joojiyaan, xasuustaan ehelnimada iyo dambiga ay leedahay in la daadiyo dhiigga qof Muslim ah, odoyaasha iyo wax garadka deegaanka waxaa la gudboon inay kala dhex galaan walaalaha colaadda dhex martay, waxaa la joogaa xilligii gacmaha lays qabsan lahaa meelna looga soo wada jeesan lahaa  Khawaarijta.

Ugu dambeyn Waxaan baaqqeyga ku adkeynayaa in Xabadda la joojiyo shuruud la’aan, lagana tagin ehelnimada iyo Islaamnimada.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.