Home Wararka Gudaha Sheekh Shariif: Dadkeena ma xamili karaan dib u dhac door-asho oo intaan...

Sheekh Shariif: Dadkeena ma xamili karaan dib u dhac door-asho oo intaan ka badan

108
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Madaxweynihi hore ee dalka Soomaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay dhameystirka doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka federa-alka Soomaaliya, Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa tallaabo kale oo horay loo qaaday ku tilmaamay in shalay la soo gabo gabeeyay doorashada xubnaha Aqalka sare ee baarla-maanka oo labadii Senator ee ugu dambeeyay lagu doortay Dhuusamareeb, “Waxaan u hamb-alyaynayaa labada xubnood la doortay oo ahaa kuwii ugu dambeeyay xubnaha Aqalka sare ee Baarlaamanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaan ugu hambalyaynayaa guddiyadda doorashooyinka, Ergada iyo Hoggaanka siyaasadda gobolada waqooyi, baarlamaanada iyo Madaxweynay-aasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federa-alka Soomaaliya guusha laga gaaray dhameystirka Aqalka sare” ayuu yirri Shariif Sheekh Axmed.

Sheikh Shariif ayaa mar kale Madaxda maamul Goboleedyada ugu baaqay in la dedejiyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka, isla markaana aanu waqti la lumin, lana soo dhameytiro doorashada kahor dhammaadka bisha soo socota ee December.

“Waxaan markale ku baaqayaa in la dedejiyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waa inaanu waqti kale lumin oo la soo dhamey-stiro ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota, dadkeenu ma xamili karaan dib u dhac doorasho oo intaan ka badan” ayuu Qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Sheekh Shariif Sh Axmed

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.