Home Wararka Gudaha Shariif Xasan: Cabdicasiis wuxuu sameynayo wax reer Koonfur Galbeed anfacaya ma ahan

Shariif Xasan: Cabdicasiis wuxuu sameynayo wax reer Koonfur Galbeed anfacaya ma ahan

37
0

Axad 6-ad Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa wax uusan filayn ku tillmaamay in laga celiyo magaalada Baydhabo. Isagoo ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu qaadayo tallaabooyin laga dhaxli karo cawaaqib xumo aad u fog.

Madaxweyne hore Shariif Sheikh Aadan oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho saacaddo kadib markii loo sheegay in uusan u safri karin Baydhabo, wuxuu sheegay waxa Baydhabo ka socda in aan lagu tilmaami karin doorasho, balse ay tahay magacaabis .

“Waxaan aaminsanahay inaan mudnaa in aanan ahayn ninka loo diidi lahaa Airporka Baydhabo inuu kasoo dago. Waxa aan raadinayay waa waxa ay beeshayda leedahay. Inkastoo waxyaabaha meesha ka socda ay yihiin waxyaabo lala yaabo. Runtii anigu ma dhihi karo doorasho. Waxa meeshaas ka scoda waa magacaabis,” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed wuxuu sheegay, sababta loogu diiday inuu Baydhabo u safro in ay tahay, inuusan isku soo sharraxin kursiga beeshiisa. Wuxuuna sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu si cad u boobay kursigaas.

“Cabdicasiis siduu ku yimidna waa la ogyahay. In musharraxii Potential-ka ahaa mid la eryo, midna la xiro, Isagana uu yiraahdo waxaan rabo waan xirayaa, waxaan rabo waan handadayaa wax shaqeynaya ma ahan. Reer Koonfur galbeed waxaan leeyahay waxa hadda socda qof ay amfacayaan malahan, xitaa Cabdicasiis,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale, xildhibaanno iyo Senataro horey uga mid ahaa labada aqal ee barlamaanka oo kasoo jeeda Koonfur galbeed ayaa si adag uga horyimid tallaabada lagu hor istaagay madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxayna ku eedeeyeen madaxweyne Lafta gareen inuusan ka fiirsadan tallaabooyinka uu qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here