Home Wararka Gudaha Shariif Sheekh Axmed oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Shariif Sheekh Axmed oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

225
0

Axad 1-da May 2022, (Jowhar-xog-ogaal) Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleedka ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ku qabtay doorashada kursiga Hop#146 oo kamid ah kuraasta ku harsaneyd Maamulka Hir-Shabeelle, kursiga Hop#146 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxaa Maanta loo doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah Musharixiinta sanadkaan ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa 101 Ergo ay ugu codeeyeen cod gacan taag ah kadib markii uu u tanaasulay Shariif Abuukar Axmed oo la tartami lahaa, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle, maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa u harsan doorashada Saddex kursi oo kala ah Hop#141 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuular Islow Ducaale, Hop#135 oo ay ka geeriyooday Aamino Maxamed iyo Hop#086 oo horay loogu doortay la taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Axmed balse ay diideen Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.