(Muqdisho-Xog-ogaal) Ilaa 5 xildhibaan oo cu-sub oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11 ee Soomaaliya ayaa shalay lagu doortay Magaalada Muqdisho waxaana ka mid ah Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafi-nta Somaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsi-ga tababarka Janeraal Kaahiye, waxa uuna ka adka-aday musharrax C/raxmaan Warsame Saciid.
Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gob-olada waqooyi Maareeye ayaa helay 96 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 3 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod, kursiga labaad ee doorashadii shalay waxaa sidoo kale mar labaad ku soo baxday xildhiba-an Aamino Cumar Jaamac oo cod gacan taag ah loo qaaday, kadib markii ay tanaasushay gabadhii la tartameysay Aamino Cismaan Diiriye oo madasha ka hadashay, sheegtayna inay ka hartay tartanka.
Kursiga saddexaad ayaa waxaa isna ku soo baxay Faadumo Xasan Cali kadib markii iyada-na loo tanaasulay, waxayna cod gacan taag ah ay ku heshay 91 cod, halka ay ka aamuseen 10 qof oo ka mid ah ergada, kursiga afaraad oo isaga tartan loo galay waxaa kusoo baxay Maxamed Haar-uun oo helay 99 cod, wuxuuna ka adkaaday Axmed Cali Maxamed oo aan helin wax cod ah, halka kurs-iga 5aad uu ku soo baxay Axmed Cismaan diiriye oo ka adkaaday musharixii isaga la tartamayey.