Talaado 23-da August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Senataro, xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland ayaa ka horyimid muddo kororsi hal sano ah oo barlamaanka Jubbaland uu u sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe, senator Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag oo horey madaxweyne ku xigeen ugasoo noqday maamulka Jubbaland, ayaa sheegay inaysan aqbalidoonin wax muddo kororsi ah oo loo sameeyo Axmed Madoobe.
“Muddo kororsigii aan ka diidnay dowladdii madaxweyne Farmaajo ka yeelimayo dowlad goboleedka Jubbaland, oo aan mulkilayaasheeda iyo lixjeclayaasheeda kamid nahay. Sidaas daraadeed, muddane madaxwyene, muddane raysal wasaare arrintaan ma ahan arrin sahlan. Mana filayo inaad aqbalidoontaan ku darsasho qalqal amni keeni karta,” ayuu yiri Farataag, wasiirka hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa kamid ah siyaasiyiinta ka horyimid mudo kororsiga. Wuxuu Axmed Madoobe uga digay inuusan Jubbaland ka dhigin wax jeebka ugu jira.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muddada xil hayntiisa waxay ku egtahay bisha August ee sannadka soo socda, hase ahaatee, halka sano ee uu barlamaanku ugu daray ayaa ka dhigan inuu xafiiska sii joogo August illaa 2024.