Home Wararka Gudaha Sarkaal ka badbaaday qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa

Sarkaal ka badbaaday qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa

307
0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax lagu  xiray Gaari nuuca SURF-ta ah oo barqanimadii shalay  ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho,kaas oo la sheegay in ruuxii watay oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada soomaaliya uu ka badbaaday.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Cismaan Koronto,waxaana la sheegay in xilliga uu gaarigu qarxay uu sarkaalkaasi kadegay uuna ku jiray goob ganacsi .

Sarkaalkani ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxaa ku dhaawacmay 1 Qof shacab ah, kaas oo goob ganacsi ku leh meesha ay wax ka dhaceen,waxaana dhaawiciisa oo aan la sheegin heerka uu gaarsiisan yahay loola cararay cusbitaal

“Waxaan galay goob Ganacsi , oo aan dan ka lahaa , markii aan ka soo baxay ayaan arkay Qarax Miino oo hoos yaaalla Gaarigeyga dib ayaana uga soo noqday , kadibna Gaariga ayaa Qarxay” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Cabdiraxmaan Koronto oo ah sarkaalka gaarigiisa lala beegsaday qaraxa.

Ma jiro illaa iyo hadda war faah faahsan oo ay laamaha amnigu ka soo saareen dhacdadaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa siyaabo kala duwan Muqdisho uga dhacayay qaraxyo Miino, kuwaas oo ay waxyeelada ka soo gaartay dad rayid ah.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.