Home Wararka Gudaha Sanbaloolshe” Xildhibaan aan xor aheyn codkiisa xor uma noqon karo”

Sanbaloolshe” Xildhibaan aan xor aheyn codkiisa xor uma noqon karo”

21
0

Isniin 4-ta April, (Mogadishu-xog-ogaal) Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Maanta qaatay Shahaadada Xildhibaannimo iyo karaka Aqoonsiga, isaga oo farriin u diray Xildhibaannada Cusub ee aan weli qaadan Shahaadada, xildhibaan Sanbaloolshe wuxuu sigaar ah ula hadlay Saraakiisha NISA eek amid noqday Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in uu qaatay Shahaadada kuna faraxsan yahay, isaga oo ugu baaqay Xildhibaannada kale inay Shahaadada qaataan.

““NISA Taliyaheeda waa qaatay Shahaadada, Hal Taliye ma lahane waa Taliye badan yihiin, waxaa la yiri Aabaha wiilkiisa gabar waa siin karaa, umana guurin karo kumana dhaqi karo waxaa la rabaa Xildhibaannada  dadkii ku dhaqmi lahaa oo dowlad ku hoggaamin lahaa dalka inaa badbaadisaan la idinku tala galay ee Askar amar qaadata inaa noqotaan la idinkuma tala galin ayuu yiri” Sanbaloolshe, ugu dambeyn Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe wuxuu sheegay in Xildhibaan aan xor aheyn uusan matali Karin dadkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here