Home Wararka Gudaha Sanad kadib Madaxweynaha Hirshabeelle oo awood ciidan Maanta lagu geeyay Magaalada Baledweyne

Sanad kadib Madaxweynaha Hirshabeelle oo awood ciidan Maanta lagu geeyay Magaalada Baledweyne

166
0

(Baledweyne-xog-ogaal) Waxaa goordhaw soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee magaalada Baledweyne diyaarad uu saarana madaxweyanaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanadka ah loo diidana inuu tago Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxweynaha Hirshabeelle waxaa garoonka diyaaradaha kuso dhaweeyay madax ka tirsan maamulkiisa Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Imaashaha Cali Guudlaawe ee Baledweyne ayaa imaanaya xili saacad ka hor inta aysan soo dagin diyaarada uu saarnaa weerar madaafiic loo adeegaaday lagu qaaday garoonka diyaaradaha Baledweyne, islamarkaana uu daba socday dagaal toos ahaa oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Kacdoonka Hiiraan.

Ciidamo dowladda oo aad u hubeysan ayaa xalay isku fidiyay wadooyinka muhiimka ah ee gudaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo xiray dhamaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Ugu dambeyn madaxweyne Guudlaawe oo mudo dhowr jeer ah la fashiliyay safar si xoog ah uu ugu imaan lahaa Baledweyne ayay maanta u hirgashay inuu si awood ah uga soo dago magaalada Baledweyne oo kala xiran dhamaanteed.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.