Home Wararka Gudaha Safiirka Maraykanka: Alshabaab marnaba uma suurto gali karto inay la wareegaan xukunka...

Safiirka Maraykanka: Alshabaab marnaba uma suurto gali karto inay la wareegaan xukunka Soomaaliya

68
0

Khamiis 16-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa sheegay in aysan A.lshabaab u suurtagali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo la wareegay Afgaanistan, danjire Larry Andre oo ka falcelinayay wareysi laga qaaday hoggaamiye ku xigeenka Alshabaab, Mahad Karate, oo sheegay inay rajeynayaan inay la wareegaan xukunka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay aragti buunbuunin badan.

Inkastoo danjiruhu uu sheegay Al-Shabaab ay saameyn ku yeelatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyaga oo u mara lacagaha canshuuraha ee ay ka qaadaan ganacsatada, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay saaxiibo amni oo ay kamid yihiin, Maraykanka, Turkiga, midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Alshabab, danjiraha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay Soomaaliya leedahay ciidamo awood uleh inay ka difaacaan Alshabaab, kuwaas oo xusay inay haddana fuliyaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.