(Muqdisho-Xog-ogaal) Safar uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tagi lahaa magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa baaqday, waxaana ka soo baxaya baaqashada safarka R/wasaaraha warar kala duwan oo qaarkood is burinaya.
Sida warku sheegayo qorshaha waxa uu ahaa inuu magaalada Dhuusamareeb ku tago safar Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, kaas oo warar xalay soo baxay ay sheegayaan inuu baaqday kulankaasi oo uu dib uga dhacay waqtigiisii, inkasta oo aysan jirin war sugan oo xaqiijinaya baaqashada wafdiga Ra’iisul wasaaraha
Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya inuu socdaalkaasi jiro, balse waqtiga wax iska badeleen oo qura, lana filayo in Ra’iisul wasaaraha uu Dhuusamareeb gaaro maalmaha soo socda, inkastoo aan la shaacin xilli sax ah oo tagi taankiisa ku saabsan.