Talaado 23-dda August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga.
Ra’iisulwasaaraha ayaa talooyin ka dhagaystay culimaa’udiinka, wuxuuna tilmaamay in kaalinta muhiimka ah ee ay culimadu ku leeyihiin nabadda, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo tusaale usoo qaatay howlagalka ay ciidamada iyo shacabka iska kaashanayaan ee ka socda Hiiraan.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay waxyeellleeyeen argagixisadu, wuxuuna intaa ku daray in culimaa’udiinku ay saldhig u yihiin baraarujinta bulshada si gacan looga helo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibedba.