Home Wararka Gudaha RW Rooble oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

RW Rooble oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

181
0

Isniin 28-da Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn iyo xaaladaha bani’aadminimo iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Safiir Kate Foster ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga tacsiyeysay dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerraradii ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn iyadoo sheegtay in Britain ay ku garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkooda xaqiijinta nabadda dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in qeybaha ka harsan doorashooyinka dalka oo gebogebo maraya ay ku soo dhammaadaan si nabad ah.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.