Home Wararka Gudaha RW Rooble oo Booliska Somalia & AMISOM kala hadlay Amniga doorashooyinka

RW Rooble oo Booliska Somalia & AMISOM kala hadlay Amniga doorashooyinka

135
0

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu Maanta  la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi ee (Somaliland).

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga doorashooyinka Aqalka Sare ee Gobolada Waqoogi.

Maalinta Beriyo ah ayaa waxaa la filayaa in Muahrixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ay jeediyaan khudbadahooda musharaxnimo, isla markaana Maalinta Talaadada ah ay dhacdo doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.