Home Wararka Gudaha Rooble oo madaxda maamul go- boleedyada uga digay boobka doorashada, musharaxiinta uga

Rooble oo madaxda maamul go- boleedyada uga digay boobka doorashada, musharaxiinta uga

218
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay guddiga xallinta khilaafaadka iyo guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal, kulanka ayaa hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorash-ada golaha shacabka, isagoo ku boorriyay madaxda dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in guddiyada doora-shooyinka heer dowlad goboleed ay siyaasa-dda ku milmaan, islamarkaana ay u shaqeeya-an Madaxda maamul goboleedyada isaga oo xusay in cid walba lagula xisaabtami doono Ma-suuliyad loo xil saaray ee ku aaddan hirgalinta doorashooyinka, Midowga Musharaxiinta ayaa gabi ahaanba qaadacay doorashada xildhib-aanada Golaha Shacabka oo ay sheegeen in ay ku bilaabatay hab boob ah.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.