Home Wararka Gudaha Rooble: Labada aqal ee barlamaanka waxaan ka codsanayaa inay dalka ka badbaadiyaan...

Rooble: Labada aqal ee barlamaanka waxaan ka codsanayaa inay dalka ka badbaadiyaan doorasho dambe oo dadban.

152
0

Jimce 29-ka April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa barlamaanka labadiisa aqal ugu baaqay inay dalka ka badbaadiyeen soo laabashada doorasho dad ban, si buu yiri dalka looga badbaadiyo in cid gaar ah awoodda la siiyo.

“Doorashada hadda dhacday oo aan aniga hoggaaminayay waligey imasoo marin midaan oo kale. Sidii la rabaa laga yeeshay. Wixii dhacayna marqaatiyaa ka tihiin. Doorasho dadban oo wada qalloocan ummaddu mid ay kusii jiri karo ma ahan,” ayuu yiri raysal wasaare Rooble, Ra’isal wasaaraha waxa sidoo kale uu sheegay, in dalku amni ahaan uu ku sugan yahay meeshii ugu xumayd, taasoo sida uu sheegay ciddii masuul ka ahayd inay ku mashquushay dano gaar ah oo doorasho.

Rooble Rooble wuxuu ku baaqay in laga fikiro cidda madaxweynaha noqonaysa, lagana waan toobo in dad talo xun oo isu aragta mulkile ay talada dalka wax ku yeeshaan, Ra’isal wasaaraha ayaa dalkaan ka sheegay isagoo xalay ka qeyb galayay dood arrimaha doorashada ku saabsanayd oo twitterka lagu qabtay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.