Home Wararka Gudaha Rooble iyo Guudlaawe oo ka wada-hadlay in la furo tartanka kuraasta ku...

Rooble iyo Guudlaawe oo ka wada-hadlay in la furo tartanka kuraasta ku dhiman Baladweyne

151
0

Axad 20-ka Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, ayaa ka wada-hadlay in la furo tartanka kuraasta xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku dhiman magaalada Baladwayne, isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed Waadi oo xubin ka noqday guddiga doorashada Hirshabelle, kaas oo baddalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna faray dhamaan guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada doorashada, ilaaliyaanna kala danbaynta.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku booriyay madaxda Jubbaland iyo Hirshabelle in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhammaystiraan kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, ayaa xalay xilka ka qaaday guddoomiyihii guddiga doorashada heer dowlad-gobolleed ee Hirshabelle Axmed Xasan Diini, isagoona ku eedeeyay in uu ka leexday habsami u socodka habraaca doorashada 2021/2022, khatarna galiyay amniga xubnaha guddiga iyo goobta doorashada iyo hufnaan la’aan dhinaca shaqada.

Balse Axmed Xasan Diini, oo maanta qabtay shir jaraa’iid ayaa sheegay in doorashada ay soo wajahday caqabad iyo faragelin uu sheegay in ay ka imaaneyso madaxweynaha Hirshabelle iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo sidoo kale xildhibaannada maamulka.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.