Home Wararka Gudaha Rooble iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah ku yeeshay Villa Somalia.

Rooble iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah ku yeeshay Villa Somalia.

173
0

Arbaco 18-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guushah ku soo dhammaaday, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda, isagoo goob joog ka ahaa doorashadii madaxweyne uu ku soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii sababta u lahaa inuu Xasan Farmaajo ka adjaado wareegii ugu danbeeyay ee saddexaad oo ay isugu soo haeeen.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wali Muqdisho ugu sugan sidii uu madaxweyne Xasan Sheekh ugu qancin lahaa in qof ka soo jeeda Jubaland la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha dalka, walow uu hardanka raadinta xilkaasi uu dhankiisa ka wado madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo isga qudhiisa aan caasimadda wali dib uga laaban.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.