Home Wararka Gudaha Raysal wasaare Rooble oo xalay kulan la qaatay golaha wadatashiga qaran iyo...

Raysal wasaare Rooble oo xalay kulan la qaatay golaha wadatashiga qaran iyo midowga musharraxiinta

202
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka.

Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka  kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta Dowlad Goboleedyada.

Kulanka waxaa ka qeyb qaatay xubno matalayay midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakuur.

Golaha midowga Musharraxiinta ayaa  inta uu socday kulanka  waxay Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaeen in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.

Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib Gollaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Gollaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arinsanaya dhameystirka doorashooyinka.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.