Home Wararka Gudaha Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda oo raali gelin u diray Raysal wasaare...

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda oo raali gelin u diray Raysal wasaare Rooble iyo Beesha Habargidir

188
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka jawaab celiyay eedeeyntii aheyd in raysal wasaare Rooble uu boobayo doorashada gobolada Waqooyi, taasoo kasoo yeertay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Boqor Cismaan  Aw Buurmadoow iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Mahad Guuleed ayaa ugu horeyn sheegay inuu ka raali galinaayo raysal wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir hadaladii gefka ahaa ee eedeynta kululeed loogu jeediyay, isagoona tilmaamay in Xafiiska raysal wasaaraha uu yahay muraayadii qaranka oo uusan aheyn goob foojari iyo meel Cabdalle Shideeye, islamarkaana uu raysal wasaaraha yahay hagaha iyo fududeynta howlaha doorashooyinka dalka.

“Wixii maanta ka dhacay Guriga Cabdi Xaashi dhaqan Islaam ma aheyn, dhaqan Soomaali ma aheyn, dhaqan ogaadeen iyo dhaqan odayeed midna ma aheyn, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha H/Gidir waxaan codkeyga ku biiranayaa waxaa leeyahay xaal qaata, Ra’iisul Wasaarow raalli ahaw, diyaar baan u nahay inaan gogol iyo madal weyn inaan xaalkaas ku bixino” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo difaacay Rooble.

Waxuu intaasi ku daray raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda inaan marnaba la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada heshiiskii laga gaaray howlaha doorashada oo cidii ka hor imaato loo aqoonsan doono qas wadayaal, waxaana hadalkaan raali galeynta ah uu ka sheegay raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed kulan ay isugu yimaadeen garabka uu hoggaamiyo oo ay ku mideysan yihiin xubno siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.