Home Wararka Gudaha Raysal wasaaraha Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

120
0

Talaado 24-ta May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa sheegay inuu baabi’iyay warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo laga qaaday Soomaaliya, islamarkaana ku xernaa xeebaha wadanka Cumaan.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu faray hay’addaha dowladda iney ku sameeyaan baaritaan falkaan sida uu u dhacay ayna u gudbiyaan hay’addaha garsoorka ee ku shaqada leh.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha oo dhameystiran:-

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.