Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xil u magacabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).
Wareegto kasoo baxday xafiiska Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.
Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa waxay qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhawaan gaareyn isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo lagu soo afjaray khilaafkii mudada u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Ra’isulwasaare Rooble ayaa horey Bashiir Goobe ugu magacaabay taliyaha kumeel gaarka ah ee Hey’adda NISA, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna xilkaas u magacaabay Yaasiin Farey.
Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaaraha
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.