Home Wararka Gudaha Rai’sul Wasaare Xamse oo shaaciyay qorshihiisa kadib Magacaabista Golaha Wasiirada

Rai’sul Wasaare Xamse oo shaaciyay qorshihiisa kadib Magacaabista Golaha Wasiirada

143
0

Talaado 26-da July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Rai’sul Wasaaraaha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo weli ku gudajira wadatashiyo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisayo ay ahmiyadda Koowaad ay siin doonto sugidda amniga dalka, waxa uu sheegay Raisul Wasaaraha in uu doonaayo xukuumaddiisa in ay kaga duwanaato kuwii ka horeeyay iyna muujiso in ay qabato wax shacabka ay baahi u qabaan taas oo ah sugidda amniga .

Waxa uu intaa kudaray in shacabka soomaaliyeed ay nabad gelyo la’aanta ay dhibaatooyin badan ay kala kulmeen taasna ay tahay mida ugu horeyso ay wax ka qabanayaan, isaga oo  tilmaamay in ay kudarayaan hagaajinta garsoorka , cadaaladda , dhismaha Booliska iyo ladagaalanka musuq maasuqa, shacabka soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada ayuu ka dalbaday in dowladda ay kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka si horay loogu socdo .

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.