Home Wararka Gudaha Ra’isul wasaare Xamse oo kulan gaar ah kula qaatay Magaalada New York...

Ra’isul wasaare Xamse oo kulan gaar ah kula qaatay Magaalada New York Xildhibaan Ilhaan Cumar

54
0

Talaado 19-ka September 2023, (New York-xog-ogaal) Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Newyork ee dalka Mareykanka oo uu kaga qaybgalay meertada 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaan ilhaan Cumar, xildhibaanad ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Mareykanka iyo Raysal wasaare Xamse ayaa ka wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasada, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ra’isul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale la wadaagay Xildhibaanada guulaha ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay ka gaareen dagaalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab, waxaa sidoo kale ay ka wadahadleen Raysal wasaare Xamse iyo Ilhaan Cumar sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Gabagabadii ra’isul wasaare Xamse oo Magaalada New York kaga qaybgelaya meertada 78-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa lafilaya inuu halkaasi kulamo gaar gaar ah kula yeesho midada uu joogo qaar ka mid ah madaxda kala duwan ee ka qeybgaleysa meertada 78-aad ee Golaha loo dhan yahay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.