Home Wararka Gudaha Rai’sul wasaare Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Hay’adaha Amniga & kuwa AMISOM

Rai’sul wasaare Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Hay’adaha Amniga & kuwa AMISOM

196
0

1 Maarso, ( Mogadishu-xog-ogaal)  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.