Talaado 5-ta April, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xubinnimada guddiga doorashada heer federal ka saaray guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada heer federal, Maxamed Xasan Cirro iyo xoghayihii guddigaas Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam.
Wuxuu sheegay raysal wasaaruhu in xafiisyada qaar ay doonayaan in ay hor istaagaan dhammeystirka doorashada, isagoo tusaale usoo qaatay warqad kasoo baxday Gudoomiyaha guddiga doorashada, kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku kaceen falal lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha ayaa digniin u jeediyay xubnaha kala ah:
1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur
2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed
3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax
4. Axmed Aadan Dagaal
5. Sacdiyo Xasan Xuseen
Ra’isul wasaare Rooble wuxuu sheegay in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed.