Home Wararka Gudaha Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw gaaray magaalada Baledweyne

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw gaaray magaalada Baledweyne

154
0

Khamiis 25-ta August 2022, (Beledweyne-xog-ogaal) Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baralamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wafdiga Ra’isul wasaare Xamse ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Baledweyne.

Ujeedka safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay Maanta ku tageen Baledweyne ayaa lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda abaaraha ka jirta deegaanada gobolka iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macwiisleey oo Hiiraan kula dagaalamaya Al-shabaab.

Ra’isulwasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa iney kulamo kala duwan kula qaataan gudaha Baledweyne madaxda maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Baledweyne, kuwaas oo uu ka xog wareysan doono xaaladda abaareed ee ka jirta gobolka Hiiraan iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto ee muhiimka u ah guud ahaan gobolka Hiiraan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.