Home Arrimaha Bulshada Raila Odinga oo balan qaaday in dib loo furi doono xadka Kenya...

Raila Odinga oo balan qaaday in dib loo furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya hadii la doorto

271
0

Axad 26-da June 2022,(Nairobi-Xog-ogaal) Musharaxa madaxweynaha dalka Kenya Raila Odinga ayaa balan qaaday inuu dib u furi doono xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee xiran hadii la doorto 9-ka bishan Agoosto, Raila ayaa sheegay in xadka la furi doono si loo suurtageliyo isu socodka ganacsiga labada dale e Soomaaliya iyo Kenya oo u xiran sababo la xiriira dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Kenya & Al-Shabaab.

“Waa in aan meel marinaa wax walba oo looga baahan yahay si loo xaqiijiyo howlgallada ka socda xadkan si aan si xor ah ula macaamilno walaalaheen Soomaaliya” ayuu yiri Raila Odinga, musharaxa Madaxweyne oo ay wehlinaysay ku xigeenkiisa Martha Karua iyo madax kale ayaa balan qaaday in ay xaqiijin doonaan ammaanka Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Gobolka ayaa waxaa weli ka taagan dhibaatooyin ay ka mid yihiin weerarada ay geystaan Al-shabaab ee la dagaalama Soomaaliya, weerarkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Khamiistii markii dabley hubaysan ay joojiyeen gaari Bas ah oo ku wajahnaa magaalada Mandheera ugu yaraan laba saacadoodna ay khudbad u jeedinayeen rakaabka, Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka si dalka intiisa kale loo gaarsiiyo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.