Home Wararka Gudaha Ra’iisul wasaarihii hore ee Soo- maaliya: Qeyb kama ahi bayaa- nkii ka...

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soo- maaliya: Qeyb kama ahi bayaa- nkii ka soo baxay madaxdii…

9
0

(Boosaaso-Xog-ogaal) Ra’isul Wasaarihii hore ee Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa shaaciyey inuusan waxba kala socon qoraal la sheegay inay wadajir u soo saareen isaga iyo madaxdii hore ee Puntland, qoraalkan oo ay ku saxiixnaayeen  Madaxwayneyaashii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo C/wali Gaas iyo weliba Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Shar-maarke ayey kaga horjeesteen go’aanadii Isim-adii 5-ta ahaa kasoo saareen xalka xiisadda hay’adda PSF ee ka taagneyd Boosaaso.

Hase ahaatee Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in qoraalkan aan lagala tashan, isla markaasna aanu qeyb ka aheyn bayaan-kaasi, waxaana isaga oo sii hadlaya uu yiri  “Bayaan loo qaybiyey warbaahinta laguna sheegay inuu kasoo baxay wafdi aan ku jiray ayaan wax ka oranayaa, waxaan cadaynayaa inaan la igalana tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsana, Bosaso Dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliya dan uma ah” ayuuu yiri Cumar C/rashiid oo qora-al kooban ku soo daabacaday boggiisa Twitterka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here