Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Xamze oo qaabilay qaar ka mid ah Safiirada caalamka

Ra’iisul Wasaare Xamze oo qaabilay qaar ka mid ah Safiirada caalamka

142
0

Sabti 16-ka July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ,oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Qin Jian ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.