Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa

155
0

Arbaco 29-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa oo kuyaalla Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu shalay xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii xilgaarsiinta ahaa ee Maxamed Xuseen Rooble, a’iisul Wasaare Xamse Cabdi barre oo xilka loo magacaabay 15-kii Bishaan ayaa waxaa xilligaan wixii ka dambeeya uu bilaabayaa wadatashiyo ku aadan sidii uu u soo magacaabi lahaa Golihiisa wasiirada, waxaana jira siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay oo doonaya inay kasoo hde muuqdaan Golihiisa Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu doortay magaalada Kismaayo, isaga oo sidoo kale noqday Guddoomiyihii Guddiga doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida agaajinta xiriirka Arrimaha dibadda, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu kulamo uu la qaadanayo saamileyda siyaasadeed ee dalka ka hor inta uusan soo Magacaabin golihiisa Wasiirada.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.