Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Xamse oo Lafta–Gareen kala hadlay dhismaha Xukuumadiisa Cusub.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Lafta–Gareen kala hadlay dhismaha Xukuumadiisa Cusub.

123
0

Talaado 28-da June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, iyagoo qaatay kulan arrimo badan looga wada hadlay, lafta-Gareen oo hoygiisa ugu tagay ra’iisil wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, wuxuuna u rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla.

Ra’iisul wasaare Xamse oo dhawaan si aqlabiyad leh codka kalsoonida uga helay golaha shacabka ayaa haatan ku mashquulsan sidii uu u soo dhisi lahaa xukuumad tayo leh, waxaana uu waday latashiyo uu la yeelanayo dhinacyo ay kamid yihiin madaxda maamul goboleedyada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.