Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

106
0

Khamiis 11-ka August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya – iyadoo Mudane Lindgarde ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada Caalamiga ah iyo qorshooyinka dowladda mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.