Sabti 3-da September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xame Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. “In la laayo dad muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, musaafiriin ah la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi, waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan”.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii dadkaasi aan waxba galabsan, isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.