Home Wararka Gudaha Ra’iisul wasaare Xamse: Madaxweynaha waan is khilaafi karnaa, laakiin waxaan heli karnaa...

Ra’iisul wasaare Xamse: Madaxweynaha waan is khilaafi karnaa, laakiin waxaan heli karnaa hab aan ku xallin karno

180
0

Axad 26-da June 2022, (Muqdisho-Xog-ogaal) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xasaanad ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay suurtagalnimada in khilaaf dhexmari karo isaga iyo madaxweynaha, si la mid ah madaxdii dowladdihii ka horeeyay, Raysal wasaare Xamse oo wareysigii ugu horeeyay siiyey VOA, waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay, in isaga iyo madaxweynuhu is khilaafi karaan, yeellana karaan aragtiyo kala duwan.

Raysal wasaaraha wuxuu sheegay in loo baahan yahay, in khilaaf kasta oo yimaada lagu xallin karo hab farsamo, wuxuuse rajo weyn ka muujiyay inay madaxweynaha si dhow u wada shaqayndoonaan, wuxuu sheegay inuu soo dhisidoono xukuumad awood u leh fulinta ajendayaasha waawayn ee dowladda horyaala, wuxuu tilmaamay inuu xukuumadaas usoo xulandoono cid walba oo leh, hufnaan, aqoon iyo karti, wuxuu iska fogeeyay in xukuumadiisu keliya ka imaandoonto ururkooda UPD ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guddoomiyaha ka yahay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.