Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta codka kalsoonida weydiisanayo Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta codka kalsoonida weydiisanayo Golaha Shacabka.

162
0

Sabti 25-ta June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka Xamse Cabdi Barre ayaa maanta la filayaa inuu hortago xildhibaanada golaha shacabka, si uu u weydiisto codka kalsoonida, waxaana jira tuhno xooggan oo muujinaya in baarlamaanka ay si cod aqlabiyad leh u siin doonaan codka, gudoonka baarlamaanka ayaa shalay gelinkii danbe soo saaray fariin ay ku sheegayaan in maanta kulan weyn ay leeyihiin, taasoo codka kalsoonida loogu qaadayo ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka, iyadoo gudoonka baarlamaanka ay xildhibaanada ku sugan caasimadda ka dlabadeen iney soo xaadiraan fadhiggab.

Xamse oo la soo magacaabay 15-kii bishan, ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaadanayay xildhibaanada oo uu kagala hadlaayay sidii ay codka kalsoonida u siin lahaayeen, waxaana jirta balanqaadyo xooggan uu ka helay mudanayaasha oo uu maamul goboleed ahaan mid mid ula kulmaayay.

Barre oo hadii codka kalsonida la siiyo noqonayo ra’iisul wasaatihii 21-aad ee dalka ayaa la filayaa inuu waxqabad muuqda la imaado, caqabadaha ugu horeeya ee horyaala ayaa ah khilaafka dowladda ee Kenya iyo xal u helista murana reer Gedo, taasoo looga baahan yahay inuu la yimaado tabtii uu kaga tilaabi lahaa.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.