Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Rooble oo xaliyay Khilaaf u dhaxeeyay Mahdi Guuleed & Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xaliyay Khilaaf u dhaxeeyay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

192
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiibta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Warbaahinta la hadlay uu codsaday in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi inta laga saxayo khalalaadka jira.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.