Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Rooble oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta

129
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad ka helay madaxda Imaaraadka Carabta, isaga oo kulammo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalkaas.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay, iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu u xumaaday sababo la xiriira dhacdadii Ciidamada Amniga kula wareegeen lacag mallaayin dollar ah oo u socotay Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Safarkaan Imaaraadka ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socda kadib markii horraantii bishan uu Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadii lacagta loogala wareegay, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018. Tallaabadaas ayaa irdaha u furtay inuu dib caadi ku soo laabto xiriirkii labada dal.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.