Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub

145
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

labada mas’ul ayaa waxaa ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahad celiyay dadaalka ay dalalka Midowga Yurub ugu jiraan horumarinta dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan.

Dalalka Midowga Yurub ayaa waxaa ay yihiin kjwa taageerada ugu badan siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.