Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amar Culus Dul Dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amar Culus Dul Dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

203
0

Insiin 23-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo ku socda wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse, xili dalka uu waayadan ku jiray xili kala guur ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada, waxaana la faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale waxaa la faray dhammaan hey’addaha dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.

ra'iisul wasaare rooble oo amar culus dul dhigay wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.