Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo amar ka soo saaray Qashin lagu shubo….

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo amar ka soo saaray Qashin lagu shubo….

322
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa soo saaray warqad uu ku sheegayo inaan wax qashin ah lagu daadin karin gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo muujiya walaaciisa ku aadan Caafimaad darrada dhanka deegaanka ee ka dhalan karta.

Waxaa uu sheegay in laga bilaabo 1-da bisha soo socota ee July aan la aqbaleyn in wax qashin ah lagu dhex daadiyo gudaha Garoonka Aadan Cadde, wuxuu kaloo sheegay inay kordheen qashinka iska dhex yaala garoonka.

Mr. Guuleed, ayaa Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya, AMISOM, iyo Qaramada Midoobey xafiisyadooda faray iney u hoggaansamaan amarkan, isagoo tilmaamay in hay’adahaasi ay yihiin kuwa ugu badan ee Qashinka daadiya.

Ogeysiiska la siiyay Hay’adaha deggn Garoonka Aadan Cadde ayaa lagu wargeliyay in qashinka lagu daadiyo gudaha Garoonka oo caafimaad darro iyo badbaado xumo u keenayo dadka iyo degaanka.

Amarka ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku soo beegmay xili shalay Caalamka laga xusay Maalinta deegaanka, iyadoo Halheyska sanadkan laga dhigay “Tallaabo qaad si aad uga adkaato wasaqowga Hawada”, waxaana Munaasabada ugu weyn ee sanadkan lagu qabtay dalka Shiinaha.

Xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.