Home Wararka Gudaha Ra’iisul wasaare Khayre oo booqanaya Dhuusamareeb…

Ra’iisul wasaare Khayre oo booqanaya Dhuusamareeb…

364
0
Wafuud ka socota dowladda federaalka ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan deegaannada Galmudug, halkaa oo ay ka taagantahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa hoggaanka sare ee maamulka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa saacadaha ina soo aaddan inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay,waxaana maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka iyo xubno ka tirsan labada gole.
Booqashada ra’iisul wasaraha ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federalka ay iclaamisay in la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug oo 4ta bisha July ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.
Docda kale, wafdi kale oo ka socda Baarlamaanka ayaa la filayaa inay isla maanta tagaan magaalada Cadaado, wararka la helayo ayaa sheegaya inay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka uu hoggaaminayo wafdigaa.
Dowladda federaalka ayaa dedaal ku bixinaysa sidii ay dooarsho uga dhici lahayd Galmudug, balse waxaa wali uu khilaaf ka taaganyahay doorashada, sida ay u dhacayso, xilliga ay dhacayso iyo halka ay ka dhacayso.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.