Home Wararka Gudaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta Macaabis sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta Macaabis sameeyay

79
0

Axad 3-da July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimayaasha xafiiskiisa iyo la taliyayaashiisa arrimaha siyaasiyada, amniga, dib uheshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah, war qoraal oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa ugu horrayn lagu sheegay, in raysal wasaaruhu uu xoghayihiisa joogtada ah u magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr, oo horey loo hadal hayay magacaabiddiisa.

Dadka kale ee la magacaabay waxaa kamid ah, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ahaa weriye caan ah oo madax ka ahaa BBC Soomaali qeybteeda telefishinka. Waxaana loo magacaabay afhayeenka xukuumada ahna agaasimaha warfaafinta xafiiska raysal wasaaraha, sidoo kale, Kamaal Guutaale oo kamid ah siyaasiyiinta ayaa loo magacaabay la taliyaha amniga raysal wasaaraha, halka Cali Cabdi Awaare oo xilal kasoo qabtay Puntland loo magacaabay la taliyaha xafiiska raysal wasaaraha ee arrimaha dib uheshiisiinta.

Waa magacaabidii ugu horraysay ee raysal wasaaruhu sameeyo tan iyo markii xilkaan loo magacaabay, waana mid kamid ah shaqooyinkiisii ugu horreeyay.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.