Khamiis 1-da September 2022, (Muqdisho-Xog-ogaal) Ra’iisul wasaare Hamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson oo ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hay’adaha dowladda federaalka, Kristina ayaa la sheegay inay xog ka siisay Ra’iisul wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bangiga adduunku ka wado Soomaaliya gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa la sheegay inuu uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda, iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli wasaaradaha maamul goboleedyadda ay xiriirka u jareen waaxda lacagta dowladda federaalka kadib markii ay isku maan-dhaafeen qaabka loo maamulayo deeq dhan $100 milyan oo beesha caalamka laga helay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in Xamse iyo wakiilka bankiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya ay isla soo qaadeen arrinta Maamul goboleeyada gaar ahaa go’aanka ay wasaaradaha maaliyadda maamuladu ku joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen wasaaradda maaliya ee xukuumadda cusub hase ahaatee lagama helin waxa ay iska yiraahdeen arrinta ku saabsan khilaafka soo kala dhexgalay wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyada iyo wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.