Home Wararka Gudaha R/wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya oo cambaareeyay fal ay Somaliland ka...

R/wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya oo cambaareeyay fal ay Somaliland ka geysatay Laascaanood

59
0

Sabti 28-da January,(Muqdisho-Xog-ogaal) Xildhibaan Mahadi Guuleed horayna u soo noqday R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo haatan ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana shantii bilood ee la soo dhaafay ka maqnaa gudaha dalka ayaa ka hadlay arrinta ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Mahdi Guuleed ayaa marka hore cambaareeyay tallaabadii milatari ee ay qaaday Somaliland, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xoog iyo cudud loo adeegsado reer Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyay dibad-baxayaasha ku sugan magaaladaasi, isaga oo tilmaamay inay cabirayeen dareenkoooda oo kaliya, si ay uga hadlaan dhibtooda, “Waxaan cambaareynayaa xoogga iyo cududa lagu isticmaalay shacabka biri mageydada ah ee aragtidooda cabiraayey ee reer Laascaanood” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Xildhibaan Mahadi Guuleed ayaa fariin u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda, wuxuuna yiri “Waxaan soo jeedinayaa in si nabad ah wixii faraq ah ee jira Somaliland iyo reer Laascaanood ay ku dhammeystaan” ayuu markale yiri Mahdi Guuleed, hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay xiisadda Laascaanood, waxaana maanta magaaladaas ka furmay shirweyne looga tashanayo aayaha magaaladaas.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.